Wafti At Hogaaminayaan Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada DDSI Ayaa Si Sare Aha Loogu Soo Dhaweeyaya Minneapolis

Minneapolis, talaado, 19ka December, 2017. Waxaa si qurux badan loogu soo dhaweyeeyay garoonka diyaaradaha ee Minneapolis.ee wadanka maraykanka wafti balaadhan oo ay hogaaminayso wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI marwo Maajida  Maxamed Maxamuud ayna ku wehelinayaan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase iyo wasiirka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil. 

waxaana, masuuliyiintaa si balaadhan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Minneapolis qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI ee ku dhaqan magaalada Minneapolis. Masuuliyiintan oo ka hadlay soo dhawaynta balaadhan ee ay jaaliyadu u samaysay ayaa siwayn ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI  sida meeqaamka sare ah u soo dhawaysay. Waftigan ayaa sheegay in mudada ay joogaan dalka maraykanka ay kulamo wadatashiya la yeelan doonaan  qurba joogta DDSI

dhankooda qaarka mid ah qurba joogta DDSI ee soo dhawaysay waftigan ayaa sheegay in ayaad ugu faraxsan  yihiin soo dhawaynta iyo  imaatinka masuuliyiintan DDSI ee soo gaadhay wadanka maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *